Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay Puntland iyo Somaliland, oo ayadu sheegata inay ka go’day Soomaaliya inay caqabad ku noqdeen hirgelinta imtixaanka mideysan ee shahaadiga ah, taas oo saameysay ardayda maamulladaas.
Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in caqabadahan siyaasadeed ay sabab u noqdeen in arday badan oo Soomaaliyeed aysan ka qeyb gelin imtixaanka qaran, taas oo keentay in dowladda ay qaaddo tallaabooyin kale oo lagu hubinayo in ardaydaasi helaan shahaado qaran.
Wuxuu xusay in imtixaanka shahaadiga ah uu yahay mid mideysan oo ay tahay in dhammaan ardayda gaarta heerka dugsiga sare ay wada galaan, si loo xaqiijiyo tayada waxbarashada iyo isku mid ahaanshaha nidaamka waxbarasho ee dalka.
Wasiirka ayaa tilmaamay in duruufaha siyaasadeed ee ka jira maamullada qaar, gaar ahaan Puntland iyo Somaliland, ay caqabad ku noqdeen in ardayda halkaas ku nool ay helaan fursad ay ku galaan imtixaanka dowladda dhexe.
“Dowladdu waxay eegaysaa mustaqbalka ardayga Soomaaliyeed ee ku jira duruufo uusan isagu dooran,” ayuu yiri wasiirku, isaga oo muujiyay in xaaladdan loo arko mid ku meel gaar ah oo la rajeynayo inay mustaqbalka dhammaato.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wasaaraddu ay dejisay habab farsamo oo lagu xaqiijinayo tayada waxbarasho ee ardayda aan gelin imtixaanka mideysan, si aanay u lumin fursadaha waxbarasho ee mustaqbalka.
“Ardayda aan siineyno shahaadada qaran waa kuwo horey ugu galay imtixaanno ay qaadeen maamullada deegaannadooda, natiijooyinkoodana si adag ayaa loo hubiyaa,” ayuu mar kale yiri wasiirka.
Sidoo kale, wuxuu xusay in xiriir farsamo oo joogto ah uu ka dhexeeyo Wasaaradda Waxbarashada Federaalka iyo wasaaradaha waxbarashada ee maamullada dalka, si loo xaqiijiyo saxnaanta xogta iyo tayada ardayda.
Puntland iyo Somaliland ayaa weli ah labada maamul ee aysan ardaydooda ka qeyb gelin imtixaanka shahaadiga ah ee ay qaaddo Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo sii adkeynaysa isku-dubaridka nidaamka waxbarashada dalka.

