Farmaajo oo soo bandhigay sida ugu sahlan ee lagu xasilinkaro Somalia (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ka hadlay dadaalada ay Dowladiisa ku raadineyso Nabad iyo Xasilooni ka hirgashaa Somalia.

Madaxweynaha waxa uu sheegay inay ka go’an tahay inuu ka dhabeeyo hirgalinta Nabadda waxa uuna tilmaamay in Somalia ay u baahan tahay xasilooni.

Nabadda iyo Xasiloonida ayuu sheegay inay ku jirto gacanta shacabka oo uu ula jeedo in dhankooda ay kala shaqeeyan Ciidamada Amaanka.

”Waxaan qabaa in Somalia ay gali doonto jawi xasiloon haddii la helo shacab iyo ciidamo wada shaqeynaaya, waayo Kooxaha geysta falalka amni darro waxa ay ku dhex jiraan shacabka”

”Waxaan rajo ka qabaa inay wada shaqeyn doonaan shacabka iyo Ciidamada keliya waxaa harsan in la dhiiri galiyo ciidamada”

Farmaajo waxa uu ku baaqay in laga wada shaqeeyo Amniga, Xasiloonida iyo Horumarka waxa uuna cadeeyay in Somalia ay ka daashay burbur iyo kala irdhoobid.

Dhinaca kale, Ciidamada amaanka ayuu ugu baaqay in nabad ay kula noolaadan shacabka, haddii ay ka gudbaan nidaamka ciidan la horgeyn doono sharciga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com