Muuqaal: Somaliland oo kashiftay inuu Xasan Sheekh wax ka ogaa heshiiska Berbera

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa heshiis wada saxiixday Somaliland iyo Imaaraadka carabta kaasoo ahaa inay Berbera saldhig Miltari oo laga duqeeyo xuutiyiinta Yeman ka sameystaan.

Waxaa maalmihii ugu dambeeyey soo baxayey inuu heshiiskaas wax ka saxiixay Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid kaasoo la sheegay inuu ku qaatay laaluush gaarayo ilaa 35 Milyan oo Dollar.

Haddaba waxaan mar labaad soo baxday inuu arrintaas wax ka ogow oo uu saxiixay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud sida ay ka dhawaajiyey dowladda Somaliland.

Heshiiskaas oo ay qalinka ku duugeyn xubnaha baarlamaanka Somaliland kadib kulan gacmaha la isugu tagay oo xoog looga saaray qaar kamid ah xildhibaanada oo kasoo horjeestay heshiiskaas.

Maxamuud Xaashi Cabdi oo ah Wasiirka wasaaradda madaxtooyada Maamulka Somaliland ayaa ka dhawaajiyey inuu heshiiska Berbera wax ka ogaa Xasan Shiikh Maxamuud, wuxuna dowladda cusub iyo Ra’isulwasaaraheeda ka codsaday inay qadariyaan heshiiska labada dowladood.

Wuxuu ka dhawaajiyey inay heshiiskas Berbera wada saxiixeen Xasan Shiikh Maxamuud iyo madaxweynaha Somalialnd Axmed Siilaanyo, hadalkaan waxaa laga yaabaa inuu kiciyo xasarad siyaasadeed oo ka dhalata Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com