Ciidamada Puntland oo la wareegay meelo cusub iyo Gaas oo Xaaladda ku xumaatay isuguna yeeray Wasiirada

Gaalkacyo (Caasimada Online)- Wararkii ugu dambeeyey oo ka imaanayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegayo inay goordhaweyd la wareegeyn ciidamada Puntland xarunta dowladda hoose ee Magaalada Gaalkacyo.

Waxa la sheegay inay ciidankaasi ka gadoodsan yihin Mushaar aysan muddo qaadanin. Ciidanka oo ah kuwo aad uhubeysan ayaa diiday wax dhaq dhaqaaq ah in laga sameeyo Xarunta taasi oo cabsi gelisey Shaqaalihii halkaasi kusugnaa.

Wararka waxay sheegayaan in durba Wuqooyiga Gaalkacyo laga dareemay Arintaan oo dadkuna ay hadal hayaan, Ciidan katirsan Daraawiishta Puntland ayaa sidaan oo kale waxay ula wareegeen Xalay Magaalada Garowe Koontaroolkiisa iyaguna waxay ka cabanayeen Mushaar la’aan seddex sano kudhawad.

Arrintaas ayaa keentay inuu madaxweynaha  Maamula Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa la soo sheegayaa inuu isgu yeeray golaha Wasiirada Maamulka Puntland , inkastoo sabab kulankaasi aan la shaacin.

Wararka ayaa sheegaya in arintan ay ka dambeyay kadob markii ciidamo gadoodsan ay la wareegeen Koontaroolada laga soo galo magaalada Garoowe isla markaana ay gaadiidka u diideen inay galaan gudaha magaala ama ay kasoo baxaan , sidoo kalana ay ciidamo kale la waregeyn xarunta maamulka Puntland ee Gaalkacyo.

Madaxweynaha Puntland ayaa lasoo sheegayaa inuu isugu yeeray golihisa wasiirada si uu arrintaas deg deg wax uga qabto waxaana la filayaa inuu saacado ka hadlay Garoowe kula hadlay saxaafada.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com