Ahlu-Sunna oo gobollada dhexe kaga dhaqaaqday tallaab culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada maamulka Ahlusuna Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, ayaa xabsi dhigay tirro mas’uuliyiin ah oo ka tirsan maamulkaasi.

Ciidamada ayaa xirat mas’uuliyiin uu kamid yahay Guddoomiyihii hore ee Degmada Dhuusamareeb Axmed Macalin C/llaahi iyo Xubno kale oo ka tirsan maamulka kuwaasi oo saacad un ka hor xarigooda lagu wargaliyay inay yihiin eedeysanayaan xabsi muteystay.

Mas’uuliyiintaani ayaa la sheegay inay ku tagrifaleen sharciga u degsan maamulka, waxaana la dhigay xabsiga weyn ee Magaalada Dhuusamareeb, sida ay dadka deegaanka sheegen.

Amarka lagu xiray mas’uuliyiintaasi ayaa la sheegay inuu baxshay Madaxweynaha maamulka, kadib markii la hordhigay sababo macquul ah oo lagu xiri karo mas’uuliyiintaasi.

Masuuliyiinta xabsiga loo taxaabay, ayaa waxaa ay wararku sheegayaa in ay kamid yihiin kuwo hadda ka tirsan maamulka oo horay loo siiyay digniino.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka kaa oo cadeynkara sababaha loo xiray mas’uuliyiintaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com