Sawirro: Ismaciil Gelle iyo Axmed Nuur Jimcaale oo wada kulmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlada Jabuuti Ismail Cumar Geele, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta ka tirsan Golaha ee la kulmay Madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa horkacaayay Guddoomiyaha Golaha ahna Ganacsade si weyn looga yaqaan dalka Somalia Sheekh Axmed Nuur Jimcaale.

Mas’uuliyiintaani ayaa Madaxweynaha kala hadlay suuragalnimada ganacsigooda ku aadan dalka Jabuuti iyo in dowlada Jabuuti ay u fududeyso waxyaabaha la xiriira Ganacsigooda dalkaasi ku xiran.

Waxa ay sidoo kale uga xog warameen Ganacsiga ka socda Somalia, Isbedelada iyo sida lagu gaari lahaa inta ka harsan Ganacsiga xorta ah, waxaana tallaabooyinkaasi soo dhaweeyay Madaxweyne Geele oo bogaadiyay sida uu Ganacsiga Somalia u socdo.

Madaxweyne Geele ayaa Ganacsatada ku booriyay inay u halgamaan dalkooda oo ay ka dulqaadan dhibaatada nololeed, waxa uuna ka dalbaday inay taageero la garab istaagan dowlada Somalia si ay u waarto Nabada iyo Xasiloonida yar ee ka jirta Somalia.

Guddoomiyaha Golaha Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliyeed Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale ayaa Madaxweyne Geele u ballanqaaday in inta karaankooda ah ay ka qeybqaadan doonaan dhaqaajinta Qaranka Somalia, waxa uuna uga mahad celiyeen waxqabadkiisa, iyo baaqiisa ku aadan in Ganacsatada Soomaaliyeed ay Jabuuti ganacsiyo ka furtaan.

V 1

V 2

V 3

V 4

V 5

V 6

V 7