Somaliland oo si aan la fileyn uga hadashay doorashada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaarada arimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire oo la hadlaayay Idaacada BBC-da laanteeda Afka Somaliga ayaa si adag uga hadlay wararka sheegay in Somaliland lasiiyay xuquuqdii ay ku laheyd Aqalka sare ee dalka.

Sacad Cali Shire, waxa uu sheegay inaanu jirin wax shaqo ah oo ay ku leeyihiin arrimaha la xiriira doorashada Somalia ee la filaayo inay dhacdo dabayaaqada sanadka 2016-ka.

Sacad Cali waxa uu sheegay in doorashada Somalia ay tahay mid lagu khiyaanay shacabka Somaliland, sidaa darteedna aysan u cuntamin wixii kasoo baxay shirka ee lagu go’aamiyay Jadwalka cusub ee doorashada Somalia.

Waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa in aysan jirin cid matasha Somaliland oo ku lug leh doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale, Xildhibaanad Qadro Axmed Ibraahim oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda deegaanada Soomaaliland ayaa sheegtay in Soomaaliland aysan u qalmin in lala meel dhigo maamulada kale ee dalka ka jira.

Waxa ay sheegtay in Madaxda dowladda ay dhowr jeer oo hore ay kala hadleen in aan meel cidlo lagu dhumin xaqa Soomaaliland ay ku leedahay dowladda cusub ee soo socota.

Qadro waxa ay sheegtay inaysan ka qeybqaadan doonin doorashada Somalia, waa haddii aan la xalin tabashada Somaliland.

Haddalka Wasiir Sacad Cali Shire iyo Xildhibaan Qadra ayaa u muuqda mid sad bursi ah, haddii loo kordhiyo cadadka ay ku leeyihiin aqalka sare ay macquul tahay inay la jaanqaadan Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com