Xog: Guuleed oo shaaciyey arrin ka dhex dhacday shirkii Madasha

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa daaha ka rogay in dowlada Somalia ay xubno dheeri ah siisay maamulka Puntland kuwaasi oo lagu biirin doono xubnaha aqalka sare ay ku yeelan doonto Puntland.

C/kariin Guuleed ayaa hadalkaani sheegay xili uu u xog waramaayay mas’uuliyiinta maamulkiisa isaga oo jooga magaalada Gaalkacyo waxa uuna sheegay in Puntland xubnihii ay heshay loogu kordhiyay laba xubnood oo dheeri ah.

Guuleed waxa uu sheegay in si cad loo baalmaray Heshiiskii horay loogu wada galay magaalada Muqdisho, waxa uuna tilmaamay in Galmudug ay si ganbasho la’aan ah u qaadacday go’aanka Puntland lagu siiyay labada xubnood ee lagu biiriyay xubnaha aqalka sare ay ku yeelan doonaan.

Guuleed waxa uu cadeeyay in la baalmaray go’aankii hore ee wax lagu wada qeybsaday waxa uuna sheegay in guud ahaan ay taageersan yihiin wixii kasoo baxay Madashay markii laga reebo labada xubnood ee gadaal loogu daray Puntland.

Guuleed waxa uu intaa ku daray warbixintii uu siiyay madaxda kale ee maamulkiisa in War-murtiyeedkii laga soo saaray shirka uu ahaa mid aan la bayaanin oo laga tagay waxyaabo badan oo ay kamid tahay in Puntland lasiiyay labadaasi xubnood ee dheeriga ah.

Sidoo kale, kale waxa uu tilmaamay in xubnahaasi dheeriga ah Puntland looga soo jaray tiradii horay loo siiyay maamulka Somaliland.

Mr Guuleed waxa uu carab dhabay in Galmudug aysan raali ka aheyd wixii ka dhacay magaalada Muqdisho, balse uu mowqifkoodu yahya mid cad oo ay kaga soo horjeedan go’aanka lagu kordhiyay tirada lasiiyay Puntland.

Tirro kordhinta loo sameeyay Puntland ayaa waxaa sidoo kale diiday misna qaadacay Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Beesha dirta waqooyi oo iyaguna sheegay inaysan taageersaneyn doorashada la filaayo inay ka dhacdo Somalia.

Dhinaca kale, Siyaasiyiinta iyo Odayaasha dirta waqooyi waxa ay cod dheer ku sheegen inay ka bixi doonaan Somalia, oo ay raadsan doonaan meel u dhaanta Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com