Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Maamulka Ahlu Sunna ee Gobollada Dhexe ayaa bilaway Uruurinta iyo diiwaan galinta Ciidamo dheeraad ah oo la filaayo in dhawaan lagu wareejiyo Dowlada Somalia.
Ciidamadaani ayaa la sheegay in lagu diyaarinaayo degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud, waxaana la xaqiijiyay in qorshaha uu yahay in la gaarsiiyo tirro kabadan 3,000 oo Ciidan ah.
Ciidamadaani ayaa lagu wareejin doonaa Dowlada Federaalka Somalia kadib wadahadal gaara oo dhexmaray Hogaamiyaha maamulka iyo Madaxweynaha Somalia.
Ciidamadaani waxa ay sidoo kale kamid noqon doonaan Ciidamada u diiwaangishan Wasaarada Gaashandhiga Somalia, waxa ayna tababar kadib ka howlgali doonaan Deegaanada uu ka arimiyo maamulka iyadoo Xuquuqda Ciidamada ay bixin doonto Dowlada Somalia, sida uu qorshuhu yahay.
Dowlada Somalia ayaa ballanqaaday inay taabagalin doonto Ciidamada Ahlu sunna ee la filaayo in lagu wareejiyo, kuwaa oo si toos ah uga mid noqon doona Ciidamada Qaranka Somalia ee ka howlgali doona Gobollada Dhexe.
Ciidamada Ahlu sunna ayaan kamid aheyn Ciidamada u diiwangishan Dowlada, waana tan keentay in Ahlu sunna Dowlada Somalia gorgortan kula gasho wareejinta Ciidamadeeda.
Dhinaca kale, waxaa suuragal ah in Dowlada Ethiopia ay kala dhantaasho Heshiiska dhexmaray Dowlada Somalia iyo Ahlu sunna maadaama Ahlu sunna ay garab ka hesho Dowlada Ethiopia oo faragalin ba’an ku heysa Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]