QM oo ka hadashay xasuuqii Soomaalida ee dalka Yemen ka dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xasuuqii shacabka Soomaaliyeed loogu geystay xeebaha dalka Yemen, halkaasi oo dad badan ay ku dhinteen.

Qaramada Midoobay waxay ka dalbaday dhinacyada ku dagaalamaya dalkaasi Yemen inay cadeeyaan dadka ka dambeeyay duqeynta ay dad badan oo Soomaaliyeed ay ku dhinteen xili ay dooni saarnaayeen.

Filippo Grandi,oo ah Wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha bini’aadanimada ayaa  sheegay in wali aysan helin jawaab rasmi ah oo ku aadan cidda ka dambeysay gantaalka Soomaalida lagu dilay.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka Yemen in ay cadeeyaan cida fulisay weerarkaas si loola xisaabtamo sidoo kalena uusan dib u soo laaban.”,sidaas waxaa yiri Filippo Grandi.

Dowladda Sacuudiga iyo isbahaysiga ayaa iska fogeeyay inay ka dambeeyaan duqeynta lagu dilay shacabka Soomaaliyeed, waxaana dowladda Soomaaliya ay dhankeeda dalbatay in la cadeeyo dadka falkaasi ka dambeeyay.

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com