Farmaajo oo ku goodiyay inuu dhulka ku dari doono dhowr arrin oo daashaday Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa sheegay in Dowladiisa ay la imaan doonto sharciyo ka duwan kuwii ay ku dhaqmi jireen Dowladihii hore ee dalka ka arimin jiray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Madaxda dalka iyo Shacabka Soomaaliyeed laga doonaayo inay qaatan sharciyada sida degdega ah loogu maamuli doono dalka waxa uuna cadeeyay in dal waliba oo hagaagsan lagu hagaajiyay sharciyo wax ku’ool ah.

Farmaajo ayaa sheegay in ujeedka Dowladiisa ay tahay in la helo sharciyo kala danbeyn ah, waxa uuna xaqiijiyay in marnaba aysan ka daali doonin hirgalinta Sharciyada cusub ee uu yeelan doono dalka.

Sharciyada ayuu sheegay inay noqon doonaan kuwo jiheeya Garsoorka iyo Shacabkuba waxa uuna farta ku goday in sharciyadaasi lagu nabadeyn doono Somalia.

Waxa uu farta ku goday inaysan jiri doonin cid sharciga ka sareyn doonta min Madax ilaa shacab, waxa uuna xaqiijiyay in Somalia ay la degi la’ dahay sharci la’aan ku baahday dalka oo idil.

Sharciyada ayuu tilmaamay in lagu burburin doono Musuq-maasuqa, Eexda, Cadaalad darida iyo Khaladaadka ka dhex jira xarumaha Garsoorka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u sheegay in Dowladiisa ay cirib tiri doonto dhammaan waxyaabaha qalqal galiyay Amniga, Xasiloonida iyo Kala danbeynta waxa uuna wacad ku maray inaysan wada shaqeyn doonin kuwa ku sifoobay Musuqa iyo Cadaalad darida.

Tallaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili Madaxweynaha Somalia uu kasoo jeestay dhammaan howlihii ugu adkaa waxaana la sugayaa fulinta iyo hirgalinta tallaabooyinka lagu xasilinaayo Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com