Ahlu-Sunna oo kusii siqeysa Dhuusamareeb iyo wararkii ugu dambeeyey xaaladda

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xooggaga Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa kusii siqaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug maalin kadib markii ay gacanta ku dhigeen laba magaalo oo muhiim ah oo ka kala tirsan maamullada Galmudug iyo HirShabeelle. 

Ahlu-Sunna ayaa Jimcihii qabsatay magaalooyinka Guriceel iyo Matabaan ee gobollada Galgaduud iyo Hiiraan iyo sidoo kale tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan Galgaduud, kadib markii shacabka ay aad usoo dhoweeyeen, ciidama qaarna u goosteen, ayaga oo iska diiday maamulka Qoor Qoor ee fadhiidka noqday.

Waxay sidoo kale maanta qabsadeen deegaanka Ceeldheere oo qiyaastii 30 km u jira magaalada Dhuusamareeb, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka oo sheegay inay ku arkeen ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu-Sunna oo wata gaadiidka dagaalka.

Xoogag kale oo kuwa Ahlu Sunna ah ayaa la soo sheegaya in Magaalada Dhuusamareeb ay kaga soo siqayaan dhinaca deegaanka Bohol, oo dhanka waqooyi kaga beegan magaaladaasi.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Ahlu-Sunna ay hadda ku wajahan yihiin magaalada Dhuusomareeb, taasi oo haddii ay qabsadaan ka dhigan burburka maamulka Qoor Qoor uu hoggaamiyo ee Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa shalay galab ka degay diyaarado siday Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor, senatorro iyo xildhibaano heer federaal ah oo ka soo jeeda Galmudug iyo ciidamo ka kala tirsan Haramcad iyo Duufaan oo dowladda federaalka ay u dirtay Galmudug, si magaalada looga difaaco Ahlu-Sunna.

Lama soo werin wax iska hor’imaad ah oo ka dhacay deegaanka maadaama ciidamada dawladdu ay horey uga baxeen, kuwa Ahlu-Sunnana ay si nabada ku galeen Ceeldheere.

Xiisadda gobolka ka taagan ayaa cirka isku sii shareeraysay tan iyo khamiistii markaasoo dagaal khasaare badan dhaliyay uu ku dhexmaray ciidamada dawladda iyo kuwa Ahlu-Sunna deegaanka Bohol oo isna ku dhaw Dhuusamareeb.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ku eedeeyey dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug in meeshii ay kala dagaalami laheyd kooxda Al-Shabaab ay soo weerartay Alhu Sunna, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale waxa maanta istaagay dhammaan duulimaadyadii tagi jiray magaalada Guriceel kadib markii ay shalay halkaas qabsadeen kooxda Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Sarkaal ka tirsan shirkadaha diyaaradaha ayaa sheegay in xaaladda Guriceel ay gashay darteed loo joojiyay duulimaadyadii tagi jiray Guriceel.