DAAWO: DF oo jawaab caro leh ka bixisay go’aanka ay SOMALILAND ka qaadatay dadka reer Koonfur Galbeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa si adag uga hadlay musaafurinta dadka ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ee ku  nool magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ay ku heyso xukuumadda Somaliland.

Wasiirka oo galabta shir jaraa’id qabtay ayaa yiri, “Waxaan aad uga xumahay waxa ka socdo magaalada Laascaanood, in dad Soomaaliyeed laga musaafuriyo magaalo Soomaaliyeed waa wax ku cusub dhaqankeena suuban, mana ka turjumeyso ilbaxnimada iyo dhaqanka Dowliga ah.”

Sidoo kale Wasiir Jaamac ayaa nasiib daro ku tilmaamay in si gaar ah loo bartilmaameedsado dad gaar ah oo weliba si nadab ah ugu ganacsanayey magaalada, qaarkoodna hantidooda iyo guriyahooda laga soo dhex-saaray.

“Waxaan ugu baaqayaa maamulka Somaliland in ay joojiyaan falalka noocaan oo kale ah oo dhaqanka Islaamka, midka Dowliga ah iyo kan Soomaaliyeed midna aan ka tarjumeynin,” ayuu yiri wasiirka cadaaladda Soomaaliya.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale wax garadka, Culimada, aqoonyahanada, Isimada, Cuqaasha, hey’adaha u xuquuqda aadanaha iyo shacab-weynaha reer Laascaanood ugu baaqay in aysan ka aamusin oo aysan raali ka noqon buu yiri ‘falkaan foosha xun’ dowrkoodana ay ka qaataan xalinta arinkaan.

Ciidamada booliska Somaliland ayaa xalay ilaa maanta Laascaanood ka waday howlgallo ka dhan ah dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya, iyagoo maanta isugu geeyey garoonka diyaaradaha, si dib loogu celiyo deegaanadii ay u dhasheen.

Somaliland waxay dadkaas ku eedeyneysaa inay ka dambeeyeen dilalkii ka dhacay magaalada Laascaanood, kuwaas oo loo geystay saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa maamulka Somaliland.

Hoos ka daawo muuqaalka Wasiirka