Daawo: Hadal kasoo yeeray Mahdi oo muujinaya halka ay kala joogaan Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo galabta hadal ka jeediyey kulan ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa ka hadlay guulihii ay reer waqooyigu ka gaareen doorashadii Aqalka Sare ee dhawaan lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Mahdi Guuleed ayaa hadalkiisa laga dheehan karay in garabka Farmaajo uu isaga haray, wuxuuna si dadban ugu weeraray inuu isku dayey inuu kursiga Aqalka Sare u diido wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe, oo uu ku tilmaamay “Libaax dabar ka soo goostay.”

“Hadda kadib reer koonfurka u kala dhuuman meyno, ee waxaan hor dhigi doonaa shuruudo, anagoo mideysan ayaan dhihi doonaa maxay dani ugu jirtaa Somaliland, sanadkaan waxaa siyaasadda Somaliland ku meteli doona dad culus, golaha shacabkana sidaan oo kale ayaan ka rajeynayaa,” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Waxa uu sheegay in hadda kadib ay xooga saari doonaan sidii macno iyo midnimo Soomaaliyeed ay u keeni la haayeen, “Barbarkey ka baxdaa waa Bakeyle galeen,” ayuu yiri.

“Waxaan bogaadinayaa doorka ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, oo guushaan iyo doorashadii noo qabsoontay door weyn ku lahaa, taageero hagar la’aan ahna na siiyey, aad ayuu isha ugu hayey, xil-weyn ayuuna iska saaray in doorasho xor ah ay dhacdo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Mahdi Guuleed.

Hoos ka Daawo