Daawo: Mahad Salaad oo sheegay ‘qorshe xun’ oo ay damacsan yihiin Ahlu-Sunna

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad iyo Senator Cabdixakiin Macalin Axmed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb, iyagoo garbahooda ay taagan yihiin wasiiro ka tirsan Galmudug iyo maamulka magaalada Dhuusamareeb ayaa waxay si adag uga hadleen abaabulka ay Ahlu-Sunna ku qabsaneyso deegaanada Galmudug.

Ugu horeyn Mahad Salaad ayaa sheegay in ciidmada Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka ay waayihii dambe dagaal kula jireen Al-Shabaab, balse hadda dhabarka laga toogtay.

“In ciidankii dagaalka kula jiray Argagixisada dhabar jebin lagu sameeyo waa mas’uuliyad darro, waa diin la’aan, waana qaran dumisnimo, waxaan ugu baaqeynaa kooxahaas diinta ku qaraabanaya inay ka waantoobaan daadinta dhiiga umadaan,” ayuu yiri Mahad Salaad.

Sidoo kale Xildhibaan Mahad ayaa sheegay in dhowr dowladood oo dalka soo martay ay Ahlu-Sunna heshiisyo uga baxday, “Ujeedka nimankaas waa inay mar kale Matabaan iyo Mareergur inta u dhaxeysa ay Isbaarooyin dhigtaan,” ayuu yiri.

Waxuu intaas ku sii daray Mahad Salaad, “Waxaan idin leeyahay walaalayaaloow hadii xil wax tarayo ama xoolo wax idiin tarayaan, maamulladii dalkaan isaga dambeeyay ee qolo kasta heshiis ayaad la geleyseen, waana uga baxayseen ee ilaah imaanka ha idinku geliyo intii hore,” ayuu yiri Mahad Salaad.

Dhanka kale Senator Cabdixakiin Macalin Axmed oo isna Dhuusamareeb warbaahinta kula hadlay ayaa nabadiid aan Shabaab waxaba dhaamin ku tilmaamay dadka uu sheegay inay abaabul dagaal ka wadaan deegaanada Galmudug.

“Midaam ma ahan in la daadiyo dhiigga walaalaha Soomaaliyeed, mana jirto mansab iyo darajo lagu gaarayo, culimo ma ahan nimankaan waa siyaasiyiin, Galmudug maanta uma baahna cid burburisa, nimankaas waxay doonayaa inay dib mugdigii ugu celiyaan dadka ku nool Gurceel iyo Matabaan,” ayuu yiri Senator Cabdixakiin Macalin.

Hoos ka daawo Muuqaalada