Ahlusuna oo dagaalka socda uga faa’iideysatay toogashada shaqsiyaad cayimnaa (Dhacdo Fool-xun)

Cadaado (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar dheeraad ah oo laga helaayo dagaalka u dhexeeyay ciidamada Galmudug iyo maleeshiyaad taabacsan Burcad-badeeda oo garab ka helaaya kuwa Alhlusuna.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegayaa in ciidamada Ahlusuna ay si ula kac ah ugu laayen dad shacab ah kuwaasi oo deegaan ku ahaa deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgadudu.

Saciid Nuur oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Galmudug ayaa sheegay in ciidamada Ahlusuna ay si ulakac ah u dileen ilaa Lix ruux oo uu sheegay inay ahaayen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Dadka ay ciidamada Ahlusuna dileen ayuu Sargaalka sheegay inay ugu galeen ilaa Seddex guri oo ku yaalla deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgadudu.

Saciid Nuur waxa uu intaa ku daray in ciidamada Ahlusuna ay qafaasheen ilaa Afar ruux oo shacab ah kuwaasi oo markii danbe meydadkooda laga helay xaafad banaanka ka ah deegaanka Godinlabe.

Afartaani ruux ee shacabka ah ayuu sheegay in rasaas looga dhuftay madaxa si aan loo aqoonsan wujuuhdooda.

Ahlusnna oo aan markii hore qeyb ka aheyn dagaalka ayaa la sheegay inay ka lahaayen dano gaara sidaana ay ugu soo biiren dagaalka.

Deegaanka Godinlabe ayaa waxa u hoostagaa degmada Cadaado oo qeyb ka ah Caasimadaha maamul Goboleedyada ee ay ka dhacayaan doorashooyinka Dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com