Fashil ku imaaday Jadwal ay soo saartay W/Arrimaha Gudaha +Sababta

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa markii ugu horeysay fashil ku imaaday Jadwalka Doorashooyinka Maamulka Hirshabeelle kaasi oo dhawaan ay soo saartay Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka Dowladda Somalia.

Fashilka dib u dhacaani ayaa la sheegay inuu sabab u yahay cilado aan la fileynin oo kusoo baxay hirgalinta Jadwalka.

Jadwalka iminka hirgalintiisa uu fashilka ku imaaday ayaa la sheegayaa in dib loosoo saari doono si looga saaro wixii khaladaad ah oo iminka sababay in dib u dhac uu ku imaado jadwalka.

Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Doorashooyinka maamulka Hirshabeelle, ayaa isla bilaabay dib u habeyn lagu sameynaayo Jadwalka, waxaana lagu wadaa in muddo kooban gudaheeda lagu soo bandhigi doono Jadwal cusub.

Jadwalkaani iminka fashilmay ayaa waxaa loo sababeynayaa Wasaarada Arrimaha Gudaha oo si ka fiirsasho la’aan ah usoo bandhigtay Jadwalka hadda fashilmay.

Ma cadda waxa uu Jadwalka cusub kaga duwanaan doono kan iminka fashilmay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com