Dagaal ka socda Deegaanka Godinlabe & Ahlusuna oo isticmaaleysa Hub culus

Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal aad u xoogan ayaa waxa uu hadda ka socdaa Deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud kaasi oo gordhow dib u qarxay.

Dagaalkaani hadda socda ayaa u dhaxeeya Ciidanka Ahlu-sunna iyo Ciidanka Nabad Sugidda Maamulka Galmudug, waxaana deegaanka Godinlabe laga maqlayaa rasaas culus.

Dagaalka ayaa ka xoogan kii maanta dhacay waxa ayna labada ciidan isku adeegsanayaan Hubka waaweyn iyadoo inta badan magaalada ay tahay mid leyrarka laga damiyay.

Deegaanka Godinlabe ayaa waxaa sidoo kale la sheegayaa in isgaarsiintii Deegaanka ay tahay mid maqan.

Ciidamada Ahlusunna ayaa Hubka ugu xooga ku ridaaya qeybaha ay ka dagaalamayaan kuwa Galmudug, waxaana iminka kala xiran deegaanka Godinlabe iyo deegaanada kale ee deriska la ah.

Dagaalkan ayaa ku soo aadaya xilli Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed gelinkii dambe ee maanta uu gaaray Deegaankaasi.

Ma cadda khasaaraha dagaalkaani soo rogaal celiyay ka dhashay, inkastoo la sheegay in dhaawacyada loo soo daabulaayo magaalada Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com