Sawirro: Puntland oo soo bandhigtay Ciidamo ay dagaalka uga qabatay Galmudug

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa soo bandhigay ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug kuwaasi oo ay sheegen inay ku qabteen dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo.

Puntland ayaa sheegtay in ciidamadaani ay gacanta ku dhigtay ay qeyb ka ahaayen ciidamada Dowlada ee ka barbar dagaalamaayay kuwa Galmudug.

Cali C/laahi Warsame oo ah Wasiirka deegaanka Puntland ayaa sheegay in ciidamadaani ay xabada usoo ridayeen dhanka Puntland, waxa uuna tilmaamay in xiliga gacanta lagu dhigaayay ay ridayeen rasaas.

Cabdi Cismaan Maxamuud oo kamid ahaa askartii lagu soo bandhigay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in uu katirsan yahay ciidanka dowlada, waxa uuna tilmaamay in Gaalkacyo lagu keenay in ay kala dhax galayaan ciidanka Galmudug iyo kuwa Puntland, balse ay dagaalka qeyb ka noqdeen.

Maamulka Puntland ayaa horey ugu eedeeyay dowlada Federaalka Somalia in ay qeyb ka aheyd dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
qabt_1

qabt_2

qabt_3

qabt5

qabt-4