Jawaari oo hal qorsho ugu socda Jowhar iyo Hir-Shabeelle oo…

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in goordhow Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe lagu doorto Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaanada dooran doona Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa ay xalay dhageysteen Qudbado ay jeedinayeen Musharixiinta u taagan Qabashada Guddoonka Sare ee Baarlamaanka Maamulkaasi.

Musharaxiinta ilaa hadda u taagan qabashada xilka Guddoomiyenimo ayaa kala ah Abuukar Xasan, Sheekh Cismaan Barre iyo Cali Cabdulle Isgoow.

Seddexdaani mas’uul ayaa u kala tartameysa ku xigeenka Koowaad iyo kan labaad ee Baarlamaanka.

Musharaxa lagu Magacaabo Cabdi Xuseen Geedi ayaa isagu u taagan ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle.

Marwo Canab Axmed Ciise, ayaa iyana isku soo Sharaxday ku-xigeenka labaad, waxaana goordhow Musharaxiintaani u kala cod qaadi doona Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeele.

Sidoo kale, waxaa goordhow magaalada Jowhar gaari doona Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo halkaasi uga qeybgali doona munaasabada lagu kala dooranaayo Guddoomiyayaasha.

Maalinta Beri ah ayaa la filayaa in sidoo kale la dhageysto Khudbadaha ay soo jeedinayaan Musharaxiinta xilka madaxtinimada Maamulka Hirshabelle, si maalinta Sabtida Doorashada Madaxweynaha ay u dhacdo.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com