Sawirro: Webi mucjiso ah oo dunida lagu arkay iyo yaab taagan

Mosco (Caasimada Online) – Dhacdadaani ayaa ka dhacday Gobolka Sibir ee dalka Ruushka kadib markii webiga mar qura uu isku bedelay dhiig qulqulaaya.

Isbedelka webiga ayaa waxaa ku jahwareeray inta badan Bulshada caalamka, hayeeshee waxaa markii danbe micneeyay isbedelkaasi khubaro u dhashay isla dalkaasi Russia.

Khubaradaani ayaa sheegay in webiga uu isku bedelay dhiig isla markaana uu saameyn ku yeelan doona dadka ku nool deegaanada ku xeeran webiga.

Khubarada ayaa sheegay in webiga uu naafsanaayo dhiiga, halka markii hore uu neefsan jiray hawo caafimaad oo aan wasaqeysneyn.

Isbedelka wabiga ayaa waxaa aad ula yaabay Adduun weynaha waxa uuna dadku dareensiiyay mucjiso aan daraaseyn u baahneyn.

Dowlada Russia waxa ay markii hore u qaadatay in loo sumeeyay biyaha wabiga balse waxa ay markii danbe xaqiiqsatay inuu yahay mucjiso aan dawo laheyn.
wabi-1

wabi-2

wabi-3

wabi-4

wabi-5

wabi-6

wabi-7