Ahlusuna oo Xabsi dhigtay Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Qaranka & Xubno la socday

Cadaado (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray magaalada Dhuusa-mareeb, ayaa sheegay in ciidamada amaanka Ahlusuna ay xabsi dhigeen Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Yarey.

Guddoomiyaha guddiga ayaa waxaa lala xiray ku dhawaad 10 xubnood oo la sheegay inay ku wehlinayeen socdaalkeeda magaalada Dhuusa-mareeb.

Ciidamada maamulka Ahlusun ee xiray Xaliimo Yarey iyo xubnihii la socday ayaa sidoo kale Hub ka dhigis ku sameeyay ilaalo la socday Xaliimo Yareey.

Guddoomiyaha iyo Xubnaha la xiray oo magaalada Dhuusa-mareeb u joogay wacyi-gelin la xirirta doorashada ayaa lagu xiray Xabsi guri, waxaana sidoo kale loo diiday in ay dib ugu noqdaan Guri-ceel si ay u aadaan Galkacyo kadibna Garoowe.

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka waxa sanadki hore shaqadan u diray baarlamaanka Soomaaliya.

Lama oga sababta ka dambeysa xeragga Xaliimo Yarey, balse waxa uu xerageeda ku soo aadayaa xili ay maanta ka degtay magaalada Guriceyl ee Gobalka Galgaduud.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com