Wafdi ay kala hogaaminayaan Xaaf & W/A/Gudaha XF oo gaaray Gaalkacyo

Cadaado (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug gaaray wafdi uu Hogaaminaayo Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Wafdiga Hogaamiye Xaaf ayaa waxaa ku jira mas’uuliyiin ka kala tirsan labada Gole ee maamulka oo ay wehlinayaan Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia.

Wafdiga gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa wehlinaayay Wafdi kale oo uu hogaaminaayay Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Eng Cabdi Sabriye.

Safarka Hogaamiye Xaaf iyo mas’uuliyiinta wehlineysa ayaa la xiriira sidii loogu diyaar garoobi lahaa soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo lagu wado in uu booqdo magaalada Gaalkacyo maalinta berito ah.

Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana la arkayaa ciidamo badan oo amniga sugaya kuwaa oo qaarkood la dhigay dhammaan waddooyinka gala Gaalkacyo iyo kuwa ka baxa.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa  marti gelinta Wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo socdaal dhanka lugta ah ku soo maray qaar ka mid ah magaalooyinka dowlad Goboleedka Puntland.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Hogaamiye Xaaf ayaa magaalada Gaalkacyo ka bilaabay shirar looga tashanaayo sida loo marti soori lahaa Madaxweynaha iyo Wafdigiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com