Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka oo go’aan cad ka qaadanaaya dib u doorashada kuraasta banaan

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, ayaa shaaca ka qaaday inay gadaal kasoo sheegi doonaan xiliga rasmiga ah ee dib loo qaban doono doorashada kuraasta banana ee Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Xaliimo Yareey oo iminka ku sugan magaalada dhuusa-mareeb ayaa sheegtay in go’aanka rasmiga ah uu noqon doono mid ay iyaga gaari doonaan.

Xaliimo Yareey, ayaa sheegtay in qorshaha Guddiga uu yahay in jawi degan lagu qabto doorashada ilaa Afar kuri oo ka tirsan Golaha Shacabka, waxa ayna tilmaantay inuu soconaayo qorshe dib u doorasho ah.

Xaliimo Yareey, ayaa tilmaantay in amar kasoo baxay Maxkamada Sare lagu hakiyay doorashada kuraastaasi, balse waxa ay taabedelkeeda cadeysay in iyagu ay raadinayaan xal kale.

Waxa ay sheegtay in xubnaha Guddiga maalinta Axada ee fooda nagu soo heysa ay shiri doonaan, kadibna ay go’aano ka soo saari doonaan kuraasta muranka uu ka taagan yahay ee doorashadooda la hakiyay.

Waxa ay intaa ku dartay in codsi uu kaga yimid Guddoonka Golaha Shacabka, kaasi oo ah in la dadejiyo doorashada Afarta kursi ee ka banaan, balse uu dib u dhaca sababay dalabka ka imaaday Maxkamada Sare ee dalka.

Xubnaha Guddiga ee fadhiisan doona ayaa la filayaa inay soo saran go’aan cad oo lagu xanibaayo doorashada ama lagu fasixaayo qabsoomida doorashada.

Dhinaca kale, dhawaan ayey aheyd markii qoraal ka soo baxay Maxkamadda Sare ee dalka lagu amray in Guddiga Madax banaan ee doorashooyinka Qaranka ay hakiyaan doorashada kuraasta banaanaatay ee xildhibaanada Golaha Shacabka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com