Qarax gaari oo ka dhacay guri ku yaala magaalada Muqdisho & Khasaaro ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax loo adeegsaday Gaari ayaa waxa uu Habbeenimadii xalay ka dhacay guri ku yaala Degmada Kaaran ee Gobolka Banadir.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid lagu dhex diyaarinaayay guriga, waxaana mar qura lagu baraarugay Jugta Qaraxa.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Gaariga uu ahaa nooca raaxada, isla markaana la doonaayay in lagu xiro waxyaabaha Qarxa.

Qaraxa ayaa la xaqiijiyay inuu geystay Qasaaro kala duwan, waxaana burbur xoogan uu kasoo gaaray Hooyga iyo Gaarigii la buuxinaayay.

Ciidamada NISA oo ku baxay goobta uu ka dhacay Qaraxa ayaa halkaa ka kaxeystay ruux looga shakisnaa inuu waxbadan kala socday diyaarinta Qaraxa.

Ciidamada ayaa la wareegay guriga qaraxa uu ka dhacay, ilaa laga soo saarayo baaritaanada ugu dambeeya, ee la xiriira qaraxan iyo cida ka dambeysay.

Geesta kale, waxaan ilaa hadda si dhab ah loo ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxan, oo dadka degaanka xalay ku abuuray cabsi iyo dareen feejignaan ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com