Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa dagaalyahanno ajanabi ah u adeegsaday weerarkii ay bishii October 2025 ku qaaday xarunta Godka Jilicow ee NISA ee Muqdisho, sida lagu sheegay muuqaal ay kooxda dhowaan baahisay.
Kooxda ayaa ku sheegtay muuqaalka in marka laga soo tago Soomaalida, ay sidoo kale weerarka wax ka fuliyeen dagaal-yahanno ka kala yimid; Kenya, Tanzania iyo deegaanka Oromada ee Itoobiya
Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarkaas lagu dilay 42 askari oo ka tirsanaa ciidamada amniga, isla markaana la sii daayay maxaabiis ku xirneyd xarunta dhulka hoostiisa ah, inkasta oo xogta NISA ay sheegtay in weerarka la fashiliyey, lana dilay dhammaan xubnihii weerarka soo qaaday.
Muuqaalka, oo ay soo saartay garabka warbaahinta Al-Shabaab ee Al-Kataib Foundation, ayaa muujinaya weeraryahannada oo gudaha Muqdisho ku galaya gaari nooca militariga ah oo loo ekaysiiyay kuwa ay isticmaasho Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, arrintaas oo u suurtagelisay inay ka gudbaan dhowr isbaaro iyo koontarool amni.
Muuqaallo laga soo qaaday kamaradaha amniga iyo dashcam-yada gawaarida ayaa muujinaya gaariga oo istaagaya afaafka hore ee xarunta, weeraryahannada oo kasoo degaya, kadibna qarax lagu jebinayo xayndaabka. Waxaa xigay dagaal toos ah oo saacado badan socday ka hor aan weeraryahannadii la dilay.
Falanqeeyayaal ayaa qaba in muuqaalkaas uu ka tarjumayo istaraatiijiyadda Al-Shabaab ee mudada dheer la arkayay, taas oo ku dhisan isku darka weerarro qorsheysan iyo warbaahin si xirfad leh loo farsameeyay si cadaadis loogu saaro dowladda Soomaaliya, loo soo jiito dagaalyahanno cusub, loona faafiyo fariinta kooxda. Muuqaalka ayaa lagu sii daayay afafka Soomaaliga, Carabiga iyo Sawaaxiliga.
Muuqaalku wuxuu sidoo kale iftiiminayaa isbeddel ku yimid qaabka qorista dagaalyahannada. Al-Shabaab muddo dheer waxay howlgallada Muqdisho ku tiirsaneyd dagaalyahanno Soomaali ah, balse weerarkan ayaa noqday kiiskii ugu horreeyay ee si cad loo diiwaangeliyo oo muujinaya in ajaanib loo adeegsaday hawlgal noocan oo kale ah oo ka dhacay caasimadda.
Farsamo la mid ah tan ayaa horay loogu arkay weerarro ka dhacay meel ka baxsan Soomaaliya, oo uu ku jiro weerarkii sanadkii 2020 lagu qaaday saldhigga Manda Bay ee Kenya, kaas oo ay ku lug lahaayeen dagaalyahanno ka kala socday dalal dhowr ah oo Bariga Afrika ku yaalla.
Mid ka mid ah weeraryahannada, oo lagu magacaabay Cabdiraxmaan, ayaa lagu sheegay inuu yahay wiilka Cali Maxamuud Raage, oo sidoo kale loo yaqaan Cali Dheere, ahna afhayeenka muddada dheer ee Al-Shabaab. Arrintan ayaa loo arkay isku day ay kooxda markii ugu horreysay ku wiiqeyso eedeymo muddo badan loo jeedinayay oo ahaa in hoggaankeedu ay dagaalka u diraan carruurta dadka kale, halka ay iyagu ka ilaashadaan qoyskooda.
Go’aanka Cali Dheere ee ah inuu wiilkiisa u diro waxa kooxdu ugu yeertay “howlgal istish-haadi ah”, oo ah hawlgal loo qorsheeyay inuu ku dhammaado dhimasho, ayaa muuqaalka uga dhigaya mid xambaarsan fariin ku saabsan sida uu ugu go’an yahay mabda’a kooxda.
Muuqaalka ayaa sidoo kale dhalinaya su’aalo cusub oo ku saabsan suurta-galnimada wadahadal dhow oo lala yeesho Al-Shabaab. Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in hoggaamiye si cad ugu diray wiilkiisa hawlgal noocaas ah ay adag tahay in laga filo tanaasul siyaasadeed oo dhow.

