29.9 C
Mogadishu
Sunday, April 19, 2026

Xog: Lafta-gareen oo ku adkeysanaya inuu weli yahay madaxweynaha K/Galbeed

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynihii laga adkaaday ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa weli ku adkaysanaya inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee maamulka, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo aad ugu dhow.

Lafta-gareen ayaa sidoo kale qoraalkii is-casilaadda ee uu soo dhigay Facebook-giisa qariyay markii uu tegay Nairobi, inkastoo haddane mar kale dib loo soo celiyay qoraalkii, taas oo dhalisay shaki iyo in dadku ay su’aallo iska waydiiyaan arrintaas.

Xubno isugu jiro la-taliyeyaal iyo xildhibaanno ku dhow Lafta-gareen ayaa xogtaan soo dusiyay, iyaga oo sheegay in weli uu ku doodayo inuu yahay madaxweynaha Koonfur Galbeed, inkastoo dagaal looga qabsaday Baydhaba.

Sidoo kale, xubnahan ayaa sheegay in markii hore culeys la saaray Lafta-gareen iyo wafdigiisa, la iskuna dayay in diyaaraddiisa loo leexiyo Muqdisho, iyadoo shuruud looga dhigay in marka hore uu is-casilo, kadibna sidaas loogu ogolaaday inuu uga baxo magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Arrintan ayaa waxaa durba ka dhashay hadal-hayn iyo su’aallo la xiriira go’aanka cusub ee Lafta-gareen, xilli haatan Dowladda Federaalka ay dhaq-dhaqaaqyo ka wado Baydhaba, ayna ku howlan tahay dhismaha maamul kumeel gaar ah inta laga qabanayo doorashada guud ee maamulkaasi.

Horay Lafta-gareen ayaa markii uu qabsaday doorashadii deg-degga ahayd u sheegay in la qasbay, sidaasna looga saxiixay heshiisyadii uu la galay Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Mudadii aan la joogay Xasan Sheekh bistoolad ayaa leysku haayay waa leys qasbaaye, ama waan ku dilayaa ama waad ila dileysaa ayey sheekadu ahayd” ayuu horay u yiri madaxweynaha dib loo doortay ee Koonfur Galbeed.

Si kastaba, ha’ahaatee Koonfur Galbeed ayaa haatan wajaheysa marxalad cusub, waxaana haatan Baydhaba kusii qulqulaya siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaannada maamulkaas iyo mas’uuliyiin heer federaal ah, iyadoo sidoo kale qorshuhu yahay in dhawaan uu booqasho ku tego madaxweyne Xasan Sheekh.

- Advertisement -

Read more

Local News