Akhriso 3 arrin oo Jawaari u sahashay in ciidamadiisa ay gudaha u galaan xarunta BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa siyaabo kala duwan loo hadal-hayaa qaabka ay ciidamada daacada u ah Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ula wareegen Xarunta baarlamaanka Somalia, xili loo diyaar garoobayay inay dhacdo codeynta Mooshinka ka yaala Jawaari.

Ciidamada daacada u ah Guddoomiye Jawaari ee la wareegay Xarunta ayaa isugu jiray kuwo laga soo kala xulay Ciidamada Militeriga, Booliska iyo Nabadsugida, balse loogu labisay hal darees oo ah nooca Militeriga.

Ciidamada oo u muuqday kuwo sharciga baalmarkiisa lagu ababiyay ayaa si ula kac ah uga biya diiday inay Hubka ku reeban afafka hore ee Xarunta, waxaana la sheegay in qasdigooda uu ahaa isku dhac.

Waxyaabaha ciidamada daacada u ah Guddoomiye Jawaari u sahlay in Hubka ay gudaha ula galaan ayaa waxaa kamid ahaa:-

1-In ciidamadii Koofi casta horay ula wareegay Xarunta baarlamaanka oo dib looga saaray, iyadoo lagu celshay ciidamo uu si gaara u qortay Jawaari oo waligood ilaalo ka ahaa xarunta.

2-Ciidamada la socday Jawaari oo u badnaa kuwo gudaha asbuucan laga keenay magaalada Baydhabo, kana tirsan Hay’adaha amaanka oo ay ka kooban tahay dowlada.

3-Ciidamada oo intooda badan Xarunta ku gaaray lug, si aan loogu diidin gaadiidka tirada badan oo ay la socdeen, taa oo u sahashay inay isku uruursadan meel ku dhow xarunta baarlamaanka, halkaa oo uu kasoo maray Jawaari.

Guddoomiye Jawaari ayaa weli ku doodaya in falka ay ciidamadiisa kula wareegen Xarunta baarlamaanka uu ahaa mid aan micno laheyn, isla markaana xiligaa uu ku khasbanaa.

Balse waxa uu meesha ka saaray in ciidamo badan uu la galay, waxaana muuqaalo laga soo duubay goobaha ay ku sugnaayen ciidamadiisa ka muuqday dhar cad oo tirro ahaan ku dhawaa Afartan iyo ciidamo aad u farabadnaa kuwaa oo gabi ahaan ku labisnaa dareeska Militeriga.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa dareen gaara galineysa Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha, Hay’adaha amaanka DF iyo Saaxiibada caalamka ka jooga Somalia, waxaana suuragal ah in amniga xarunta ay dib ula wareegi doonaan ciidamada Koofi casta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com