Daawo: Ciidamadii xooga ku galay xarunta BF ee la socday JAWAARI oo xabsi la dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka  Gen. C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa mar kale ka hadlay dhacdadii shalay ka dhacday xarunta Golaha Shacabka, taasi oo sababtay inuu baaqdo kulankii Baarlamaanka oo lagu balansanaa.

Gorod wuxuu sheegay markii hore in balanka uu ahaa inaanay ciidan gelin gudaha xarunta Golaha Shacabka, balse ay galeen shalay xarunta Ciidan hubeysan oo aanan la ogeyn.

Waxa uu sheegay in markii ay arrintaasi ka war heleen uu ku baxay isla markaana tagay xarunta, waxayna ciidamada ka codsadeen in halkaasi kasoo baxaan, balse ay ka dhega furesteen.

“Ciidankii gudaha u galay Xarunta golaha Shacabka la socday Jawaari ee amardiidada sameeyey waxaan ugu tagnay meelihii iyo barihii ay joogeen,  intooda badan gacanteena ayey ku jiraan, kuwa kalana way maqan yihiin, waana laga daba tagayaa”  ayuu yiri Gen Gorod

Waxa uu sheegay in ciidamada Xoogga ay ku raad joogaan Ciidan dhar cad ah oo la socday Ciidanka gudaha u galay xarunta golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu intaa raaciyay Gorod ‘’Wararka aan helnay waxay sheegayaan inay jiraan Ciidamo kale oo aan kamid aheyn Ciidanka qalabka sida oo laga yaabo inay ku gambadeen Ciidanka, iyagana waan oggaaneynaa, waana soo qabaneynaa, hadda arrinta si nabad ah ayey ku dhammaatay, xasilooni ayaa jirta, wax dhibaato ah ma jirto, ciddii isku dayda inay ka boodaan sharuucda dalka tallaabo fiican oo munaasib ku ah ayaa laga qaadi doonaan”