Wadooyinka Muqdisho oo maalintii labaad kala xiran iyo gaadiidka dagaalka oo lasoo tubay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka mar kale xiran inta badan wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho, iyadoo wadooyinkaasi lagu arkaayo ciidamo iyo gaadiid dagaal.

Isgoosyada qaar ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo isugu jira Boolis, Nabadsugid iyo Militery kuwaas oo Gaadiidka u diidaya in ay maraan.

Hareeraha wadooyinka ayaa waxaa lagu arkayaa dadweyne lugeynaaya oo meelo kala duwan u shaqa doonanaaya, waxaana xusid mudan in ciidamadaasi wadooyinka la dhigay xili danbe ee habbeenimadii xalay.

Wadooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah Wadada Wadnaha oo ka xiran Isgoysyada Howlwadaag, Makka al-Mukarama iyo Tarabuunka.

Wadooyinka xiran ayaa galay maalintii labaad oo si xiriira u xiran, waxaana shalay loo xiray kulan la filaayey in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay codka ugu qaadan Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Si kastaba ha ahaatee,Dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujinaaya xirnaanshiyaha wadooyinka,waxaana ay sheegen in Shaqooyin badan oo ay leeyihiin ay ka baaqsadaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com