Xog: Maxaa ka jira wararka sheegaya in si KMG ah akoonada looga xiray Jawaari?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Federaalka ah ee Somalia taa oo muujineysa in si KMG ah Akoonada looga xiray Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xogta aan heleyno ayaa muujineysa in Akoonada Jawaari si KMG ah loo xiray Seddex cisho ka hor, sababo la xiriira in dhaqaalaha u keydsan uusan u adeegsan Mooshinka ka yaalla baarlamaanka Somalia.

Xirista sida KMG ah ee Akoonada Guddoomiye Jawaari ayaa la sheegay inuu ka danbeeyay Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre oo kaashanaaya mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada oo uu kamid yahay Wasiirka maaliyada iyo maamulka Bankiga.

Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa horay looga mamnuucay inaanu dhaqaale kala bixikarin Bankiga Dhexe ee dalka, kadib markii la sheegay inuu isku diyaarinaayay qaadashada lacago aan munaasib aheyn.

Dowladihii ka horeeyay tan iminka jirta ayaa dhaqan u laheyd isticmaalka dhaqaalaha Qaranka ee loogu tallo galay in lagu bixiyo mushaaraadka shaqaalaha dowlada, waata sababta soo dadajisay in Jawaari laga mamnuuco la bixista dhaqaale.

Si kastaba ha ahaatee, talaabadan ayaa kusoo beegmeysa xili Siyaasada dalka ay saldhiganeyso meelo laga wanaagsan yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com