Xog: Yaa lahaa hubka uu guddoomiye Jawaari kula wareegay xarunta baarlamanka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha amaanka dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa wada baaritaanka Hubka uu shalay isticmaalay Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Hay’adaha oo guddi isku dhaf ah u sameeyay baaritaanka Hubka Guddoomiye Jawaari iyo ciidamadiisa ku qabsadeen Xarunta baarlamaanka, waxaana la sheegayaa in baaritaanka lagu helay macluumaad hordhac ah.

Ilo wareedyo ka tirsan Guddiga isku dhafka ee Hay’adaha amaanka ugu howlan barista halka laga keenay Hubka iyo cida Jawaari ku wareejisay ayaa laga soo xigtay in Hubkaasi ay lahaayen 6 Xildhibaan oo ka kala tirsan labada Aqal ee baarlamaanka.

Xogta baaritaanka ayaa muujineysa in Xildhibaanadaasi ay kamid yihiin Ganacsade Xildhibaan Cabdullaahi Cali Axmed oo loo yaqaan ‘’Cadow Cali Gees’’ Abshir Bukhaari iyo Cabduqaadir Cosoble Cali oo dhamaantooda ka kala tirsan labada Gole isla markaana ah ganacsato.

Hubka ayaa waxaa qeyb ka lahaa Siyaasiyiin xiligaan aad uga soo horjeeda Siyaasada dowlada Somalia oo uu kamid yahay C/raxmaan C/shakuur, waxaana xusid mudan in Hubka uu Jawaari ku galay Xarunta ay ku jireen 12 qoriga loo yaqaan PKM ee qaata siliska.

Sidoo kale, Hubka lagu caawiyay  Jawaari ayaa ah kan PKM-ka, halka qoryaha kale badi ay wateen ciidamada la socday Guddoomiye Jawaari oo laga soo kala xulay Militeriga, Nabadsugida iyo Booliska, balse ka mideysnaa dareeska.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaa baaritaan ku heysa shaqsiyaadka Guddoomiye Jawaari ku garab istaagay Hubka iyo fowdada ka dhacday Xarunta baarlamaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com