Dhakhtar “Jeesow ayaa yiri Jawaari waxa uu ilaaladiisa ku amray inay madaxa ka toogtan xildhibaankii galaa xarunta”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Somalia, ayaa si kulul uga hadlay haddal kasoo yeeray Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar, ayaa sheegay in Daahir Amiin Jeesow uu ku xadgudbay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kadib markii uu warbaahinta gudaha la wadaagay in Jawaari uu ilaaladiisa ku amray in madaxa ay ka toogtaan Xildhibaankii gala Xarunta baarlamaanka.

Xildhibaan Dhakhtar ayaa yiri ‘’Waxaan ka xumahay in Jeesow uu ku xadgudbay Guddoomiye Jawaari, waxa uu warbaahinta ka sheegay in Jawaari uu ilaaladiisa faray inay madaxa ka toogtaan Xildhibaankii galaa xarunta baarlamaanka, waa haddal ka weyn aqliga qofka, Jawaari ma dhihin hadalkaas ee ha iska hubiyo Jeesow waxa uu sheegayo’’

Dhakhtar, ayaa warbaahinta maxaliga ah ugu baaqay inaysan Wareysi ka qaadin sida Xildhibaan Jeesow oo uu sheegay inuusan miisaami Karin haddalkiisa, sida uu yiri.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayuu ugu baaqay inuu dhexda u xirto xalinta buuqa ka dhextaagan Xildhibaanada baarlamaanka, maadaama uu yahay shaqsiga ugu sareeya dalka.

Dhinaca kale, Farmaajo ayuu ku booriyay haddii aan laga maarmin Mooshinka in si degan lagu qabto codeynta, iyadoo laga fogaanayo dalka oo galo dhibaato.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com