Australia oo Soomaaliya ka reebtay dalalka barnaamijka is-xambaarka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Australia ayaa Dalalka Soomaaliya,Suudaanta Koofureed iyo Iraan ka saartay liiska waddamada ka faa’ideysan kara mashruuca Bani’adamnimo ee dadka Soo galootiga ah ay dib u dejinta uga helayaan Dalkaasi.

Arrintan waxaa aad u cambaareeyay Hay’adaha u dooda xuquuqda Aadanaha iyo hoggaamiyayaasha mucaaridka Dalka Australia kuwaas oo sheegay in tallaabada ay qaadday dowladda hadda  jirta ay tahay mid takoor ku ah waddamada qaar.

Waxaa ay sheegayaan in arrintaas ama go’aanka ay gaareen Xukuumadda ay xadgudub weyn ku tahay dastuurka Dalka Australia.

Mashruucan waxaa markii hore qorshuhu ahaa in ay ka faa’deystaan dadka dalalkooda ay ka jiraan colaadaha iyo maamullada gacanta adag,waxaana waddamada la oggolyahay ka mid ah; Democratic Republic of Congo, Afghanistan, Eritrea, Ethiopia, Myanmar, Bhutan, Syria iyo Iraq.

Codsiyada dadka u dhashay dalalka Soomaaliya,Koofurta Suudaan iyo Iraan ayaa loo sheegay in aysan suuragal ahayn in la aqbalo sidaas darteedna aysan waqti vadan isaga lumin in ay codsadaan dib u dejin ay ka helaan dalka Australia.

Dhawaan ayey ahayd markii Wargeyska The Guardian uu baahiyay Sawirrada Haween Soomaaliyeed oo darbi jiif ku ah Waddooyinka Magaalada Jakaarta ee Caasimadda Dalka Indonesia halkaas oo iyana uu ka jiro sharci adag oo soo galootiga ka mamnuucaya in ay shaqeystaan.