Salman Khan oo xukun 5-sano ah lagu riday haatana xabsiga dhexe Jaidpur loo wado

Rajasthan (Caasimadda Online) – Maxkama Jaidpur ayaa si rasmi ah usoo saartay xukunkii la wada sugaayay waxaana Salman Khan lagu riday xukun 5-sano oo xarig ah.

Salman Khan ayaa lageenayaa xabsiga dhexe ee Jaidpur balse wararka waxay sheegayaan in xidigaan uu isla hadda dacdwad rafcaan ah u gudibyay maxkamada sare gobolka Rajasthan.

Sidoo kale Salman Khan waxaa lagu ganaaxay 10,000 Rupees ($151) inuu bixiyo waxaana haatan la wada sugayaa racfaanka xidigaan uu qaatay waqti ahaan inta ay qaadan doonto.

Salman Khan waxay u badan tahay in maanta gelinka dambe xabsiga laga saari doono madaama la diyaariyay warqad si deg deg ah damaanad loogu soo daayanayo.

Salman Khan ayaa la sheegay inuusan ka nixin xukunka lagu riday xaalad ahaana jawi dagan uu ku jiray marka qaaliga ku dhawaaqay in 5-sano xabsi ah uu muteesan doono.

Salman Khan wuxuu Dilay Labo Deero, deeraddu waxay ka mid tahay Xayawaanka aadka loo ilaaliyo, Dalka Hidiya, Wuxuu Dilka geeystay isagoo Film toogasho ah ku jilaya Gobolka   Rajasthan.

Afar jilaa oo kale oo isaga Filimka kula jiray  ayaa sidoo kale Dambiga lagu soo eedeeyay, inkastoo goor dambe lagu waayay.