Qalinjabintii geerida: 70 Arday oo ku jiray xafladda qalin jabinta Qur’aanka kariimka oo qarax lagu dilay (Sawiro)

Inta la xaqiijiyay in ka badan 70 caruur ah ayaa ku dhimatay, weerar lagu qaaday xaflad qalin jabin ah oo ka dhaceysay School Qur’aanka lagu barto oo ku yaala degmada Dasht-e-Archi ee gobalka Kunduz ee wadanka Afganistan, sida ay marqaatiyaal u sheegeen TV-ga Aljazeera.

Diyaaradaha Mareykanka iyo kuwa Afganistan ayaa la sheegay iney duqeynta fuliyeen.

Afhayeenka wasaarada difaaca ee Afganistan, Mohammad Radmanish, ayaa u sheegay Al Jazeera in duqeyntan loola dan lahaa madax sare oo ka tirsan kooxda Taliban, wuxuuna sheegay in 30 xubnood looga dilay goobta, laakiin kooxda Taliban oo ka hadashay xasuuqaan ayaa beenisay in xubin ka tirsan kooxdooda uu joogay xaflada qalinjabinta, waxeyna kooxddu sheegtay iney goobta ku dhinteen 150 caruur ah.

Maxamed Cabdul Xaq oo ka mid ahaa marqaatiyashii goobta ayaa sheegay in dad shacab ah ay meesha ku ku sugnaayeen.

“Caruur da’a ahaan u dhaxeysay 11 iyo 12 jir ayaa dhoobnaa xaflada, waxaa la siinayay abaalmarino iyo hadiyado madaama ay dhameysteen barashada Qur’aanka Kariimka ah ayuu yir Mr Cabdul Xaq.

“Hooyooyinku banaanka isbitaalada ayey ku sugaayeen meydadka caruurtooda, dhamaantoodna waa ilmeynaayeen.

Marqaati kale ayaa isna Aljazeera u sheegay in 100 caruur ah lagu dilay goobta , wuxuu sheegay in Taliban ay aaga ka dhow yihiin balse aaney joogin xaflada xasuuqu ka dhacay.

“Waxey aheyd musiibo , meel walba dhiig ayey noqotay, dad badan ayaana la dilay ayuu yiri Haji Ghulam oo beer kuleh meel u dhow Schoolka Qur’aanka ee la duqeeyay.

Cabdulaahi Cismaan Faarax