Akhriso: Waxyaabaha laga filankaro shirka Caawa Muqdisho uga socda Guddoonka labada Aqal

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa caawa Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ka socda kulamo gooni  gooni ah oo looga arrinsanayo sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhaxeeya golaha shacabka.

Waxaa xiligaan Xarunta Villa Hargeysa ku sugan hoggaanka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana socda isku daygii ugu dambeeyay ee xalinta khilaafka golaha shacabka.

Xalinta Khilaafka ayaa waxaa kaalin weyn ka qaadanaaya Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha, kuwaa oo ahmiyad gaara siinaaya isku soo dhawaanshiyaha Guddoomiyaha baarlamaanka iyo Xildhibaanada Mooshinka wada.

Khilaafka golaha Shacabka ayaa waxaa uu soo bilowday 14  bishaan Maarso welina wax xal ah lagama gaarin, waxaase la filayaa in caawa uu kulankaan socda kasoo baxo mowqif cad.

Haddaba Golaha aqalka sare ayaa xooga saaraya xalinta Khilaafka taagan, waxayaabaha laga filan karo waxaa ka mid ah in la helo:

1-Mudeynta mooshinka oo labada dhinac ay  ku qanacsanyihiin ee khilaafka golaha shacabka.

2-Mudeynta golaha shacabka iyo xallinta khilaafka in loomaro sida uu qabo Dastuurka qaranka iyo xeer-hoosaadka golaha shacabka.

3-In codbixinta mooshinka ay u dhacdo si qarsoodi ah.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Jawaari, ayaa weli ku adkeysanaaya in codeynta Mooshinka ay ka dhacdo Garoonka Aadan Cadde.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com