Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Wasiirka Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa shaqo ka joojin ku sameeyay Taliyaha Saldhigga Xamar-weyne G/dhexe Cabdulqaadir Axmed Shire.
Wasiirka amniga ayaa shaqo ka fadhiisinta ku dhaqaaqay kadib markii uu Saldhiga ku tagay kormeer degdeg ah, iyadoo uu halkaasi tagay Saldhiga oo faaruq ah.
Wasiirka Amniga ayaa shaqo ka fadhiisinta Taliyaha Saldhiga Xamar-weyne u sababeeyay 4 arrimood oo uu ku baalmaray sharciyada Amniga:-
1-Wasiirka ayaa sheegay in dayacaad badan ay ka muuqato Saldhiga Ciidanka Booliska ee degmada Xamarweyne.
2-Wasiirka ayaa sheegay in Taliyaha Saldhigga Xamar-weyne G/dhexe Cabdulqaadir lagu helay howl-gudasho la’aan uuna shaqada ka fadhiisayay.
3-Taliyaha Saldhigga Xamar-weyne G/dhexe Cabdulqaadir oo muddo ku dhow laba Asbuuc aan u shaqo tagin Saldhiga.
4-Ganacsato cabasho ka gudbisay Taliyaha Shaqada laga fadhiisiyay kadib qaadashada lacago baada.
Wasiirka Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa si ku meel gaar ah Saldhiga ugu dhiibay G/le Siidow Macallin Isaaq.
Ducaale waxa uu sidoo kale gaaray Saldhiga degmooyinka Cabdicasiis waxa uuna halkaasi ugu tagay Ciidamada Booliska oo si degan ugu guda jira shaqooyinkooda.
Wasiirka oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay inuu bilowday isla xisaabtanka, islamarkaana Mas’uuliyiinta Saldhigyadda laga doonaayo in ay shaqadooda qabsadaan.
Dhinaca kale, Wasiirka ayaa sheegay inuu ku wajahan yahay dhammaan Saldhigyada magaalada Muqdisho isagoo tilmaamay in Taliyihii shaqadiisa dayaca uu lamid noqon doono kan Xamar-weyne.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

