Xog-warran: Dhibaatada ay qurbo-joogta ka wadaan Muqdisho iyo caddaalad darrada DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo sannado badan ahba, Soomaaliya marka laga hadlaayo arrimaha la xiriira shaqo helista, waxaa caado looga bartay noqotay in dadka u tartamaya boosaska shaqo loo kala eexdo ama qaab qabiil lagu xusho – gaar ahaan shaqooyinka Dowladda Soomaalia, taasina muran badan ayey dhalisay.

Si kastaba ha ahaatee, haatan dadkii hore loogu kala eexan jiray ayaa si guud uga cabanaaya shaqooyinka ay soo bandhigto Dowladdu, cabashadooduna waxay tahay in loo diiday boosas shaqo oo ay buuxin kareen waa dadka qorax joogta ahe, iyadoo shaqooyinkaas loo dhiibay Soomaali Qurba-joog ah (Somali Diaspora).

Cabashada ka dhanka ah Dowladda Soomaaliya, ee ay soo jeedinayaan dadka dagaalada kusoo daalay 26kii sanno ee lasoo dhaafay ee ku aadan qaabka ay Dowladda Soomaaliya u xulato dadka buuxinaya boosaska shaqo ee bannaan, iyo sida loogu eexdo Soomaalida Qurba-joogta ah ayaana haatan gaartay heerkii ugu sarreeyey.

“Waxaan nahay dhibaneyaal marka laga hadlaayo u sinnaanta shaqooyinka lasoo bandhigo – shaqooyinka bannaan ee Dowladda waxaa haatan intooda badan qaata dad aan u qalmin heer aqooneed isla markaana aan laheyn khibrad ku filan oo ah Soomaalida Qurba-joogta ah,” – Garaad Salad, oo Lataliye Arrimaha Saxaafadda u ahaa Madaxii hore ee Wasiirada Soomaaliya ayaa sidaasi u sheegay shabakadda Alleastafrica oo uu farriin danabeed usoo diray.

Sahan ay dhawaan sameysay hayadda United Nations Development Program, ayaa waxaa lagu sheegay in shaqo la’aanta dhallinyarada u dhexeysa 14 sanno illaa 29 sanno ee dalka Soomaaliya ay sarre u kacday isla markaana ay gaartay 67 boqolkiiba (67 Percent).

Taasi waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay kaalimaha sarre uga jirto dalalka ugu badan ee dhallinyaradoodu ay shaqo la’aantu hareysay, shaqo la’aanta haweenka Soomaaliya ayaana sarre u kacday iyadoo gaartay 74 boqolkiiba, waana marka loo barbardhigo Sahankii midkaan ka horreeyey ee ay sameysay United Nations Development Program oo lagu sheegay in shaqo la’aanta haweenka Soomaaliya ay mareyso 61 boqolkiiba.

Wasaaradaha iyo Xafiisyada kale ee Dowladda Soomaaliya kuwaasoo dadkii dagaalada usoo dulqaatay uga eexday Soomaalida Qurba-joogta ah ayaa waxay inta badan ku marmarsiyoodeen inay u doorteen Qurba-joogta inay ka shaqo badan yihiin Soomaalida Gudaha, kuwaasoo ay inta badan dhaliileen tayadooda shaqo.

Hase yeeshee, caddeymahaan waxaa si joogto ah u beeniya Qorax-joogta Soomaalida ah kuwaasoo inta badan hela shaqooyinka ay soo bandhigaan Hayadaha Caalamiga ah (International Organizations), tusaale ahaan United Nations.

“Intooda badan raggaas iyo dumarkaas Qurba-joogta ah ee qaadanaya boosaska shaqo ee ugu badan ee ay Dowladdu soo bandhigto waxay intooda badan heystaan Shahaado Dugsi Sarre ah ama xitaa aan dhaho waxaa ku jira qaar badan oo aan Dugsi Sarre kasoo qalin jebin,” Mr. Hersi, oo muddo dheer u shaqeynaayey Dowladda Soomaaliya ayaa sidaasi u sheegay shabakadda Alleastafrica.

Mr. Hersi wuxuu sidoo kale ku eedeeyey Wasiir uusan magac dhabin oo ku jira Dowladda Soomaaliya inuu hogaaminaayo olole ballaaran oo Soomaalida Qurba-joogta ah xilal looga siinayo Xafiisyada loogu talogalay Howlaha Dadweynaha, iyadoo boosaskaas laga saarayo Soomaali kasoo baxay Jaamacadaha dalka.

Arrintaan si weyn ayaa loo cambaareeyey, waxaana ka carooday Soomaali badan, kumanaan ayaa uga hadlay Baraha Bulshada (Social Media), halka laga digay inay arrintaani sababi karto inay dhallinyaro badan Tahriibka u bareeraan si ay u gaaraan Yurub.

“Dabcan, marka uu jiro shaqsi wax kusoo bartay dalkaan iyadoo dagaalo ka socdaan, ka dibna markii uu Jaamacadda kasoo qalin jebiyey ay wax walba natiijo la’aan kusoo dhammaadeen, waxaa laga yaabaa inuu si kale u fikiro, waxaa xitaa macquul ah inuu halis geliyo noloshiisa,” Mr. Hersi ayaa sidaasi yiri, isagoo ka jawaabaya sababta dhallinyaro badan oo Soomaali ah dalkana wax ku bartay ay Tahriibka ugu bareereen isla markaana noloshooda ugu qaribeen Badda si ay u gaaraan Yurub.

Isla waqtigaas, waxaa jira qaar ka mid ah dhallinyarada kasoo baxay Jaamacadaha dalka kuwaasoo u shaqeeya Dowladda, laakiin muujiyey in aysan ku faraxsaneyn goobaha ay ka shaqeeyaan, iyadoo marka loo barbardhigo shaqaalaha dowladda ee Soomaalida Qurba-joogta ah markasta la liido waa dhallinyaradii dalka wax kusoo bartee, iyagoo qabtay shaqo adag ayaan la xusin lana abaalmarin.

“Sidaan oo kale ayey wax u dhacayaan, adigoo dalka wax kusoo bartay ayaa qaadanaya $300 boqol oo dollars bishii, halka shaqsi aad isku shaqo tihiin oo Qurba-joog ah balse Derejo Waxbarasho ahaaneed kaa hooseeya uu qaadanayo $1,000 oo dollars oo mushaar ah iyo gunnooyin intaas ka badan,” – Ahmed Ashkir, oo ka shaqeeya Wasaarad ku taalla Mogadishu ayaa sidaasi u xaqiijiyey Alleastafrica.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaalida dagaallada usoo dulqaatay 26kii sanno ee lasoo dhaafay ayaa rajo sarre ka muujiyey inuu Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmajo, uu taageero weyn iyaga u fidin doono si meesha looga saaro sinnaan la’aanta furadaha shaqo ee dowladda Soomaaliya.

Isla waqtigaas, waxaa jira Qorax-joog shaki ka muujineysa arrintaas, iyadoo Shaqaalaha Dowladda ee Qorax-joogta ah ay muddo bilooyin ah waayaan mushaaraadkooda.

Dalka Soomaaliya, haatan waxaa sii muuq beelaya Dagaalladii Sokeeye, balse inta badan Shaqaalaha Dowladdu waxay hadana ka cabanayaan inay aflagaado joogto ah kala kulmaan Madaxda, taasoo sababta inay ka tagaan boosaskooda shaqo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com