Maxkamadda Hargeysa oo xukun ku riday wariye Cabdi Maalik Coldoon

Hargeysa ( Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in maxkamad ku taala magaalada Hargeysa ay xukun ku riday wariye C/maalik Muuse Coldoon.

Maxkamada ayaa xukunkaan ku riday wariyaha, kadib markii maanta lasoo taagay maxkamada gobolka Maroodijeex ee magaalada Hargeysa, waxaana maxkamada ay sheegtay in cadeymo badan la horkeenay.

Maxkamada gobolka ayaa sheegtay in xukunka Cabdi Maalik uu ka yaryahay eedeynta loo heysto halka waalidiinta wariyaha ay sheegeen in racfaan ay ka qaadanayaan xukunka, islamarkaana sharci daro uu yahay xukunkaasi.

Qaadiga maxkamada ayaa ku dhawaaqay in xukunka wariyaha uu yahay labo sano oo xabsi ah, waxaana uu sheegay in cadeymo badan oo ku aadan dambiyada loo heysto in la horgeeyay maxkamada sidaasina ay go’aankaasi u qaadatay.

Somaliland waxay ku eedeysay wariyaha inuu meel kaga dhacay qarimada Somaliland islamarkaana uu taageero bareer ah u muujiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

 Somaliland ayaa horay u sheegtay in Wariyaha ay Maxkamadeyn doonto , islamarkaana ay sharciga Marsiin doonto ka dib Markii ay sheegeen in uu ku xadgudbay Qaranimada Somaliland.

Wariye Coldoon ayaa laga qabtay Garoonka Magaalada Hargeysa ka dib markii uu ka laabtay Muqdisho , islamarkaana uu taageero u muujiyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com