Digniinada Xildhibaanada BF ee ku wajahan madaxweyne Farmaajo oo durba bilowday

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniino siiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kadib markii maalmo ka hor uu magacaabay taliyaasha ciidamada dowladda.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa uga digay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo in awooda dalka uu koox gaar ah gacanta u geliyaa, taasi oo uu sheegay inuu caqabad kala kulmi karo.

Wuxuu sidoo kale madaxweynaha uga digay in nin jecleysi iyo cadaalad daro uu ku magacabaa madaxda dalka, isagoo ka hadlay isbadalkii lagu sameeyay saraakiisha ugu sareeyo ciidamada kala duwan ee dowladda.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in xiriir wanaagsan uu durba ka sameeyay dhanka arimaha dibadda balse wuxuu sheegay inaysan la dhacsaneeyn xiriirkiisa arimaha gudaha sida uu sheegay xildhibaanka.

Xildhibaan Dalxa, wuxuu sidoo kale cadeeyay in dowladda farmaajo haddii aysan qancin tabashooyinka beelaha qaar ay qabaan inay sababi doonto inuu waayo kalsoonidii shacabka ay ku qabaan.

Sidoo kale wuxuu cadeeyay in dowladiisa loo nici doono sida loo nacay dowladihii ka horeeyay, balse hadda maadaama uu cusub yahay loo baahan yahay inuu eegaa tabashooyinka beelaha ay qabaan.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com