28.2 C
Mogadishu
Sunday, November 9, 2025

AKHRISO 5-ta sababood ee uu Imaaraadka u laalay Siyaasada Xassan Sheekh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Imaaraadka Carabta oo faragalin lixaad leh ku heysa Siyaasada Somalia, ayaa wada qorsho ay ku afganbineyso ololaha Madaxweyne Xassan Sheekh.

Dowlada Imaaraadka ayaa Xassan Sheekh xiriirka u gaabisay ka gadaal markii uu ka biyo diiday fulinta dhowr qodob oo ahmiyad u lahaa Dowlada Imaaraadka.

Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in Dowlada Imaaraadka Carabta ay ka didsan tahay diidmo uu Madaxweynaha ka muujiyay codsiyo ay la imaaday Dowlada Imaaraadka, iyadoo markii uu ka biyo diiday hirgalinta codsigaasi uu Imaaraadku bilaabay qalalaasaha Doorashada Xassan.

Codsiyada Imaaraadka ee uu ka biya diiday Xassan Sheekh ayaa waxaa kamid ahaa:-

1-In Somalia ay xiriirka diplumaasiyadeed u gaabiso Dowlada Turkiga.

2-In Turkiga laga qaado Mashaariicda ay kawadaan Somalia sida ”Dekadda, Garoonka, Dhismaha iyo Saldhiga uu Imaaraadka ka furanaayo Muqdisho”.

3-In Somalia ay xiriirka u jarto Dowlada Qadar.

4-Codsiga uu Xassan Sheekh ka diiday Imaaraadka waxaa kamid ahaa inaan la furin Muranka Badda Somalia oo laga aamuso inta ay ka imaan doonto Dowlad cusub waxaana taa ka hor imaaday Xassan.

5-In Siyaasada Somalia, Doorashada, Ololaha iyo qabanqaabada doorashada looga danbeeyo Imaaraadka, waxa uuna qodobkaani Shanaad noqonayaa kan sababta u ahaa Khilaafka Xassan iyo Imaaraadka.

Madaxweyne Xassan Sheekh waxa uu si cad kaga hor imaaday in Dowlada Turkiga uu ka jaro Mashaariicda ay Somalia ka wadaan, waxa ayna sababta ugu weyn tahay Turkiga oo dhaqaale xoogan ku bixinaaya ololaha Xassan Sheekh.

Marka la eego Imaaraadka iyo Turkiga waxaa Madaxweyne Xassan Sheekh u dhow Turkiga, waxa ayna taasi tahay sababta uu Xassan uga hor imaaday qorshaha Imaaraadka uu wato.

Xassan waxa uu sidoo kale, Imaaraadka uga didsan yahay fekero khalafsan oo ay ka aaminsan yihiin Ikhwaanul-Muslimiinka, iyadoo marka taa la’eego uu Xassan Sheekh doorbidaayo la shaqeynta Turkiga.

Tani waxa ay imaaneysaa iyadoo Dowlada Imaaraadka ayaa dagaal Siyaasadeed kula jirto dowladaha deriska la’ah Somalia kuwaasi oo maamusha Siyaasada Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News