24.2 C
Mogadishu
Tuesday, February 10, 2026

Odawaa oo furo u noqday Cosoble & Beel lagu tashtay in Siyaasada laga saaro

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya cabasho laga muujinaayo faragalin Siyaasadeed uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia Cabdiraxmaan Odowaa ku hayo xuquuqda beelo gaara ay ku leeyihiin maamulka cusub ee Hirshabelle.
Wararku waxa ay sheegayaan in Wasiir Odawaa uu is hortaag ku sameeyay kuraas dhowr ah oo maamulkaasi laga siin lahaa Beesha Jareer-weyne.
Odawaa ayaa la sheegayaa in Madaxweyne Cosoble uu ku wargaliyay in Beesha Jareer-weyne laga ilaaliyo xilalka waaweyn, si aysan ugu ballaaran Gobolka.
Amarka lasiiyay Madaxweyne Cosoble ayaa ahaa in kuraasta ugu yar lasiiyo Beesha Jareer-weyne, sida Wasiir ku-xigeen iyo kuraas kale oo aan miisaan laheyn.
Madaxweyne Cosoble ayaa dib usoo laabashadiisa kadib lagu wadaa inuu ku dhawaaqo Xukuumadiisa iyo dhowr xilal oo kale.
Ilo ku dhow dhow Cosoble ayaa xaqiijiyay in Beesha Jareer-weyne loo qoondeeyay Hal Wasiir ku-xigeen, inkastoo ay suuragal tahay inay galaan gorgortan si xilal kale loo siiyo.
Beelaha kale ee la duudsaday xuquuqdooda ayaa waxaa kamid ah Beesha Eritrea oo deegaan rasmi ku ah magaalada Jowhar Beeshaasi oo xuquuqdooda lagacan bidixeeyay.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagu wadaa in Maamulka Cusub ee Hirshabelle lagu duudsado xuquuqda dhowr beel oo miisaan ku dhex leh Jowhar iyo Hiiraan.

 

Caasimada Online

Xafiisa Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News