Gaalkacyo (Caasimada Online)-Iyadoo qorox dhicii shalay uu dagaal culus ka dhacay magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa dagaalkaasi siyaabo kala duwan uga hadlay maamulada Galmudug iyo Puntland.
Maamulka Puntland ayaa Dagaalka ku eedeeyay Galmudug, waxa uuna maamulka Sheegay in dagaalkii shalay dhacay uu ahaa mid ay ka danbeeyen ciidamada maamulka Galmudug.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Xassan Khaliif, ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay in Galmudug ay burburiso heshiiskii ka dhacay Magaalada Abu Dabai.
Xassan Khaliif waxa uu sheegay in dagaalkii shalay dhacay ay ka danbeysay Galmudug waxa uuna Puntland ka fogeeyay inay ku lug laheyd Dagaalk.
Sidoo kale, Wasiirka Kaluumeysiga Galmudug Xassan Gureey ayaa haddalka Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ku sheegay mid been ah waxa uuna cod dheer ku sheegay in dagaalka ay soo qaaday Puntland balse Galmudug ay is difaacday.
Gureey waxa uu intaa ku daray in Galmudug aysan gacanta ka laaban doonin weerar kaga imaada Puntland.
Dagaalka shalay ayaa waxaa ku dhintay ilaa 7 ruux oo shacab ah, halka dhaawacuna uu kor u dhaafay Shan.
Dagaalka shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo labada maamul ay wada galeen heshiis xabad joojin ah.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo

