26.3 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Meydad badan oo laga helay Qandala iyo duqeyn wali socota

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Qandala ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi laga helay meydadka dhowr ruux, kuwaasi oo la sheegay inay ku dhaceen gantaaladii ay ridayeen Maraakiibta NATO ee ku sugan meelo ku dhow dhow xeebaha Puntland.

Meydadkaani ayaa la sheegayaa in laga helay xaafado aan sidaa uga sii fogeyn Xeebta Qandalo waxaana oogadooda ku yaalla dhaawacyo culus, halka qaarna ay gogo’een.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Meydadkaasi ay ahaayen dadka deegaanka isla markaana ay u sameeyen Aas, maadaama dadka ku sugan Degmada ay yihiin kuwo tiro yar.

Meydadka ayaa la sheegay in laga soo saaray hal guri oo uu ku habsaday Gantaalka, waxaana sidoo kale jira shaki ah in Daacishta Somalia qudhooda ay dileen.

Maraakiibta NATO ee ku sugan meelo ku dhow dhow xeebaha Puntland ayaa wali wada duqeymo goosgoos ah, waxaana la sheegayaa in goobaha la duqeynaayo ay yihiin baro ay fariisimo ka dhigteen maleeshiyaadka Daacish.

Puntland wali ma qaadin wax duulaan ah, waxa ayna ciidamadeedu yihiin kuwa ku sugan duleedka magaalada.

Ciidamada ayaa ku adag inay ku dhawaadan goobaha laga soo sheegaayo Daacish, maadaama ay maleeshiyadu ku sugan yihiin Buuraley aysan gaadiidka mari karin.

Si kastaba ha ahaatee, howlgalka ciidamada Puntland ayaa qaadan doono muddo bacdamaa ay ka fiirsanayaan qaabka uu noqon doono duulaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News