8 QODOB oo sabab u ahaa WEERARKII lagu qaaday AXMED DAACI (AQRISO)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka helnay dhanka Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in Ujeedka loo weeraray Axmed Daaci uu ahaa mid Salka ku heysay Ammaan darida Degmada Wadajir iyo faragalino ay Maleeshiyadiisu ku hayeen Maamulka Degmada.

Haddaba Mas’uul ka tirsan Maamulka si hoose noogu xog waramay ayaa inoo xaqiijiyay in Qodobada soo socda ay yihiin Sababihii loo weeraray Axmed Daaci, hubkana looga qaaday waxaana kamid ah:-

1- Waxa uu ku fadhiyay Dhaqaalihii Degmada uga soo xaroonaayay DF.

2-Xilka unbaa laga qaaday, balse waxa uu qaadanaayay Canshuurta iyo mashaariicda Degmada, halka Maamulka Degmadaasi loo magacaabayna uusan laheyn Awoodii laga filaayay.

3-Maleeshiyaadkii daacada u ahaa oo uu diiday inuu ku biiriyo Dowlada.

4-Degmada Wadajir Maalintii waxaa ka shaqeyn jiray Ciidamada Degmada, Habeenkiina waxaa ka shaqeeya Maleeshiyaadkii Axmed Daaci.

5-Waxa uu diiday inuu Hubka ku wareejiyo Dowlada, ka hor inta uusan weerarku dhicin ayaa la wargaliyay balse wuu ka biyo diiday.

6-Xurguf dhex martay Axmed Daaci iyo Guddoomiyaha Cusub iyo DF oo kawar heshay xurguftaasi.

7- Canshuuraha Degmada oo ay aruurinayeen Maleeshiyaadka Axmed Daaci, taasi oo qasabtay in Mungaab uu dacwooyin ka geeyo Axmed Daaci.

8-Hubkii Degmada oo gacanta ugu jiray Axmed Daaci.

Dhanka kale, Sideedani Qodob ayaa waxaa la Tilmaamayaa in looga maarmi waayay Weerarka Axmed Daaci, iyadoona ay Madaxda DF iyo Maamulka Gobolka Banaadir hoosta kawada xariiqen in sida ugu dhaqsiyaha badan weerarkaasi lagu fuliyo, hayeeshee sidaasina uu ku dhacay Weerarkii qorsheysnaa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com