Ciidanka DF oo siyaasi kale Muqdisho ku weeraray (Xabsiga dhigay + Jir-dil)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada nabad-sugidda dowladda Soomaaliya, ayaa shalay howl gal ay ka sameeyeen Muqdisho, kuso xiray siyaasiga caanka ah ee Cali Maxamed Nuux Timo-Jilic, oo ah guddoomiye ku xigeenka xisbiga madnimada jamhuuriga.

Timo-Jilic, ayaa waxaa lagu weeraray hoygiisa, isaga oo shir jaraa’id inuu qabto doonayey, kagana hadlo tacadiyada ciidanka DF ee Xamar ka socday maalmihii dhowaa.

Markii ay nabad-sugida tagtay guriga siyaasigan, oo ku yaalla degmada Xamar Weyn, ayay si xun u jir dileen isaga iyo koox Suxufiyiin ahayd, kadibma ay kaxeysteen.

Wararka ayaa sheegaya in Timo-Jilic la gaarsiiyey dhaawac xooggan, oo six un loo garaacay.

Ilo wareedyo ka tirsan nabad Suggida ayaa Caasimada Online u sheegay in Cali Maxamed Nuux lagu xiray Xabsiga Godka Jilicow ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho, oo uu caawa ku hoyanayo.

Taliye Ku Xigeenka Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir C/fataax Ibraahim Cumar (Shaaweeye) iyo Taliye Ku Xigeenkii hore ee Nabad Suggida Cabdi Dheere, ayaa Suxufiyiinta u sheegay inaanay wareysi la yeelan karin Siyaasiyiinta dhaliilsan hanaanka Dowladda.

Arrintan, ayaa qeyb ka ah caburinta cusub ee ra’yiga xorta ah oo ay dowladda Damu-Jadiid ka waddo Muqdisho.

Sidoo kale, Nabad Suggida waxay shalay ku fashilmatay in ay xabsiga dhigto Gudoomiyaha Isbaheysiga Nabadda Soomaaliya C/laahi Sheekh Xasan, xilli ay duulaan ku qaaday hoyga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci), kaa oo xalay la xiray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com