C/llaahi Sheekh Xasan oo weeraray DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/laahi Sheikh Xasan oo maalmo ka hor Hoygiisa laga sameeyay Howlgalo, ayaa waxa uu ka hadlay qaabka uu u socdo Howlgalada ay fulinayaan Ciidamada Dowlada Federaalka Somalia.

C/laahi Sheikh Xasan waxa uu sheegay in Howlgaladu ay yihiin kuwa aan sii socon doonin, waxa uuna Tilmaamay inay la mid tahay Fashilkii ku dhacay Dowlada goortii ay shaacisay Nabad ku afur.

‘’Waa howlgal aan sharci aheyn, horay ayay ugu fashilmeen Howlgalo lagu xaqiijinaayay Ammaanka taasi kama duwanaaneyso kan hadda nalagu garaafeeyay’’

C/laahi Sheikh Xasan waxa uu Tilmaamay inaysan suuragal aheyn in loo dulqaato Falalka ay Ciidamadu kula kacayaan Siyaasiyiinta, waxa uuna sheegay in Howlgalku uu ahaa mid laga damacsan yahay Ujeedo, islamarkaana saameyn buuran aan ku laheyn dadka qaar.

‘’DF waxaa looga baahan yahay inay ku quus qaadato Fashilkii ku dhacay Howlgalkii Nabad ku afur oo xiiso ahaa, kaasi kama duwana kan hadda socdo, laakiin waxaa jiro damac ku jira dadka qaar oo howlo gaar ah wata’’

Mar uu la hadlaayay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu DF uga digay inay kusii dhiiranaato falalka gurcan oo lagu xalaaleysanaayo Hantida dadka Siyaasiyiinta, waxa uuna Tilmaamay in dal waliba uu leeyahay Mucaarad taasina looga baahan yahay in Dowladu ay ku qanacsanaato.

Dhanka kale, C/laahi Sheikh Xasan oo sheegay inuu ku sugan yahay Hooygiisa ayaa waxa uu Cadeeyay in Howlgalka uu yahay mid u gaar ah shaqsiyaad, islamarkaana aan ka reebi doonin Siyaasadiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com