Xog: MAGACYADA guddoomiyeyaal uu Muungaab xilka ka qaaday iyo kuwo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xog-ogaal ka tirsan Gobolka Banaadir, ayaa xaqiijiyay in Guddoomiyaha Gobolka uu bilaabay inuu xil ka qaadis ku sameeyo Qaar ka tirsan Mas’uuliyiinta Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu iminka xil ka qaadis ku sameeyay dhowr gudoomiye ku xigeeno oo ay kamid yihiin Guddoomiye ku-xigeenka Dhanka Siyaasada Deeq Xassan Darajo iyo Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Amniga Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

Labadaani ruux iyo dhowr kale oo ka tirsan Degmooyinka kale, ayaa waxa ay xilka hayeen muddo kooban, hayeeshee markii dambe loo keenay warqado xil ka qaadis ah.

Sidoo kale, Xogtu waxa ay sheegeysaa in Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dhowr degmo  iyaguna laga xayuubiyay xilalkii ay ka hayeen, iyadoona aan la garaneynin sababta ka dambeysa in shaqsiyaad dhawaan la magacaabay hadana ay xilkooda wayaan.

Warar aan la xaqiijin ayaa waxa ay sheegayaan in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mungaab uu wado qorsho cusub oo uu xilka uga qaadayo Seddex Guddoomiye Degmo, kuwaasi oo la sheegay inaysan u qalmin booska loo magacaabay, islamarkaana markii loo dhiibay xilkaasi ay degmadu gashay xaalad amni dari.

Ma aha mid lasii saadalin karo Ujeedka xil ka qaadista iyo xil magacaabista xilli Ammaanka Magaalada Muqdisho uu sii noqonaayo mid aan wanaagsaneyn.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com