GALAYR oo si la yaab leh uga jawaabay su’aallo laga weydiiyay maamulkiisa

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Khatumo Cali Khaliif Galeyr oo la hadlaayay VOA Laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa waxa uu sheegay in Mas’uuliyad ay ka saaran tahay shacabka ku nool Deegaanada hoostaga Khatuma.

Mar wax laga weydiiyay qaabka uu u maamuli doono Deegaanada qaar oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Maamulka Somaliland, ayaa waxa uu sheegay in Maamulkiisa uusan ka waaban doonin wax waliba oo ku jira Maslaxada Bulshada degta Sool, Sanaag iyo Ceyn, waxa uuna Tilmaamay in maalmo gudaheeda lagu dareemi doono isbedel.

Waxa uu ku hanjabay in Maamulka Somaliland, Puntland ay ka saari doonaan Deegaanada ay kaga sugan yihiin Khatumo, wuxuuna xusay in wax waliba ee hor istaaga ay u adeegsan doonaan Awoodahooda, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, mar wax laga weydiiyay Aqoonsiga Dowlada ee ku aadan Maamulkiisa, ayaa waxa uu ku Jawaabay inay diyaar u yihiin inay la tashtaan Dowlada Federaalka, haddii ay dhacdo inay ka biyo diido xoojinta Aqoonsiga ay kula dhaqmi doonaan sida ay kala kulmaan DF, waxa uuna Sheegay in Arrinta DF ay uga muhiimsan tahay Arrinta shacabka Deegaanada ku nool.

Dhanka kale, Madaxweyne Cali Khaliif waxa uu ku hanjabay in Maamulkiisa uu dhacsan doono wax waliba oo ay xaq u leeyihiin haddii ay la kulmaan caqabado ay adeegsan doonaan awoodooda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com